1 min read

Dad ka qaxay dagaalladii ka dhacay deegaanka Aato ee Bakool.

Dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool iyo kuwii todobaadkii hore ka dhacay Yeed ayaa horseeday in dadka shacabka ah ee halkaa ku nool ay u barakacaan deegaanno ay kaga badbaadi karaan colaadda.

Meelaha sida weyn loogu barakacay waxaa kamid ah degmada Ceelbarde.

Kaysane Abuukar oo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada ee Ceelbarde, ayaa BBC-da uga warramay xaaladda dadkaa ka soo qaxay dagaallada u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida.