2 mins read

Kenya oo sheegtay in aan la xannibi doonin baraha bulshada, kadib digniin la siiyay Facebook.

Kenya ayaa Sabtida maanta ah ku adkaysatay in aysan xannibi doonin baraha bulshada, ka dib markii hay’adda NCIC ay shirkadda Facebook uga digtay halis ah in la mamnuuco haddii aysan wax ka qaban hadallada nacaybka ah ee ay sheegtay in madashaasi lagu soo bandhigay.

Hay’adda qaran ee ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ee NCIC loo soo gaabiyo ayaa Jimcihii u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah oo ay wax kaga qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

Laakin wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknooloojiyadda Kenya Joe Mucheru ayaa Sabtida maanta ah ku qoray Twitter-kiisa sidan “Warbaahinta, oo ay ku jiraan baraha bulshadu, waxa ay sii wadan doonaan in ay ku shaqeeyaan iyaga oo ka faa’iideysanaya xorriyadda saxaafadda ee ka jirta Kenya.”

Waxa uu sheegay in aysan “caddeyn” hannaanka sharci ee ay NCIC qorsheyneyso in ay u isticmaasho si ay u xannibto Facebook, wuxuuna intaa ku daray: “Dowladdu waxa ay caddeyneysaa, ma jari doonno internetka.”

Hadalkiisa oo kale waxaa isna ka dhawaajiyay wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i oo sheegay in uu dastuurku qeexayo xuquuqda dadka Kenyaanka ah ee xoriyatul-qawlka.

“ka dowlad ahaan, ma dooneyno in aan ku xadgudubno xaqqaasi,” ayuu yiri.

NCIC ayaa ah hay’ad madax banaan oo ka shaqeysa isdhaxgalka qowmiyadaha Kenya waxaana la unkay ka dib rabshadihii dhacay 2007-2008 ee ka dhashay doorshadii madaxtinimo oo ay ku dhinteen ilaa kun qof.

Hay’adda ayaan haysan awood ay ku joojiso howlaha Facebook, laakinse waxa ay Hay’adda Isgaarsiinta ee dowladda u gudbin kartaa talo soo jeedin.

Digniinta NCIC ayaa timid ka dib markii koox u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.

AFP