1 min read

Howlgal ciidamada Atmis iyo kuwa Dowladda ka sameeyeen G/Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ka tirsan howlgalka ATMIS,waxay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwa ka dhan ah Ururka Al-shabaab, kuwaas oo ay ka sameeyeen deegaannada kala ah Daaboole, Xaliima-yaale, Ceelxiiran, Barooddooy iyo Bulxaluud oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Intaa waxay hadalkooda ku dareyn in deegaannadii ay howlgalka ka fuliyeen ay ka saareyn xubnihii ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kale waxay xuseyn inay burburiyeen goobo ay fariisin kula haayeen.

Ciidamada howlgalka fuliyay, ayaa ahaa kuwa xoogga dalka, gaar ahaan ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad iyo kuwa ATMIS qeybtooda degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn, G/le Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xarago) oo ah taliyaha ururka 25-aad ee xoogga dalka, ayaa tilmaamay in deegaannadii ay howlgallada ka sameeyeen ay ka saareyn xubnihii Shabaabka ahaa eek u sugnaa, isagoo carabka ku dhuftay inay ka dileen xubno iyaga ka mid ahaa, halka kuwa kalena ay goobihii ka kala firxadeen.