1 min read

Bankiga Adduunka oo Soomaaliya u saxiixay lacag malaayiin doollar ah.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayuu ku sheegay in Bankiga Adduunka uu ansixiyay ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda dowladda.

Wasiir Beyle ayaa u jeediyay mas’uuliyiinta Baanka Adduunka, kuwaas oo ansixiyay lacagtaan, wuxuu xusay in taasi ay ku timid kadib markii ay Dowladda Soomaaliya buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan u mahadcelinaynaa Baanka Adduunka oo ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.” Ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu saxiixo heshiis-kan cusub, kaas oo uu tilmaamay in uu gacan ka geysan doono maalgelinta mustaqbalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso heshiiska la gaaray iyo saxiixaba.