1 min read

Duqeyn Diyaaradeed oo lagu dilay Fu’aad Shangole iyo saraakiil ka tisan Al-Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka Bakool lagu dilay hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan kooxdaasi.

Xogta ayaa sheegaysa in duqeynta lagu dilay Fu’aad Maxamed Khalaf Shangole, iyo labo sarkaal kale oo ka tirsan Al-shabaab, laakin KNN si rasmi ah uma xaqiijin karto warka ku saabsan dilka Fu’aad Shangole, balse waxaan xogtan ka soo xiganayay masuuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaaliya.

Wariyaasha ku sugan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa soo sheegaya in weli dagaal iyo duqeymo culus ay ka socdaan deegaanka Aato ee gobolka Bakool.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Aato.