1 min read

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo kala duwan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kuwa nabad sugidda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay magaaladda Muqdisho ka sameeyeen howgal lagu soo qabtay hub, waxyaabaha maanka dooriya, iyo kooxo hubaysan oo dadka dhac ugeeysanayay.

Howlgaladaan ayaa si gaar ah Ciidamada ay uga sameeyeen degmooyinka Howlwadaag Hodon, Dharkeeneey  Yaaqshiid, iyo wadajir, waxaana Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta uu sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen hub iyo ragii watay oo dadka dhac u geeysanayay iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Afayeenka ciidanka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadda dowladda aysan joojin doonin howlgaladaan ilaa laga ciribtiro kooxa dhaca ugeeysanaya shacabka Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ciyaal weerada ay isku bedeleen Kooxo gaangis ah oo dadka dhibaato xoogan ku haayo isagoona balan qaday in ay ka ciribtiri doonaan magaalada kooxahaasi ciyaal weerada ah, waxa uu walidiinta dhalay ciyaal weerada uga digay  in ay soo raadiyaan marka ay soo qabtaan Ciidamada Booliska,  oo ay marka hore ilaaliyeen kana warqabaan ilamaha ay dhaleen.

Shacabka ku nool Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa soo wajahday maalmihii lasoo dhaafay cabsi xooggan oo ah in ay dhibaato kala kulmaan kooxaha burcadda ah ee dhaca geysta.

Waxyaabaha bulshada ay ka falcilyeen waxaa kamid ah oo ay ciidanka booliska ku eedeeyaan in lasii ogyahay xiliyada ay howlada sameenayaan taasi oo kooxahan burcadda ka saacideysa in ay feejignaan muujiyaan.