1 min read

Tababare Mauricio Pochettino oo ka tagay kooxda PSG.

Kooxda Paris St-Germain ee ka dhisan dalka Faransiiska ayaa xaqiijisay in uu kooxda ka tagay Mauricio Pochettino oo tababare ka ahaa halkaas muddo 18 bilood ah.

Muddo bil ah ayaa laga war sugayay xaaladda ninkan oo la lahaa kooxda ayuu isaga tegi rabaa.

Mauricio Pochettino ayaa hadda ka hor tababare usoo noqday kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Tottenham.

Tababarihii hore ee kooxda Nice, Christophe Galtier ayaa lagu wadaa in uu badalo ninkan u dhashay Argentine ee haatan PSG ka tagay.

Pochettino wuxuu ka tagaya PSG kadib markii uu u horseeday inay ku guuleystaan markii 10-aad horyaalka Faransiiska.