1 min read

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay Muqdisho.

Howlgalkaan uu hogaaminayay Taliyaha qeeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Aadan (farxaan qaroole) ayaa xalay laga sameeyay Degaanka daarusalaaam oo mudooyinkii lasoo dhaafay dadku ay ka cabanayeen Amni xumo baahsan oo lasoo deristay.

Degaanka Daarusalaam ayaa kamid ah Goobaha ugu Amniga xun magaalada Muqdisho waxaana maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay kooxo abaabulan oo dadka u geeysano dil kadibna ka qaadanayo wixii ay wataan sida taleefanka iyo waxyaabaha kale ee uu watto, waxaana intaasi dheer in ay degaanka ka jiraan kooxo iyana si gaar ah u isticmaala waxyaabaha maanka Dooriya, oo dadka dhibaato u geeysta.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dad fara badan kuwaa oo saacado kadib lasii daayay,kadib markii ay Boolisku suaalo weeydiiyeen.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wax laga qaban doono Amni xumada ka jirta degaaanka daarusalaaam, iyo degmooyinka kale ee gobolka banaadir ee uu caawa kormeerka ku tagay, isagoona shacabka ka codsaday in ay gacan ka geeystaan sugidda amniga lana shaqeeyaan Ciidamada Booliska Gobolka.