1 min read

Christiano Ronaldo oo ka tegaya kooxda Manchester United.

Christiano Ronaldo ayaa doonaya in Manchester United ay u ogolaato inuu isaga tego kooxda, hadii uu dalab wanaagsan u yimaado xili ciyaareedkan.

Ciyaaryahankan afka hore ka dheela ee u dhashay Burtuqaal oo 37 sano jirka ah, ayaa xili ciyaareedkii hore Manchester United dib uga soo biiray kooxda Juventus.

Inkastoo uu xili ciyaareedkii hore ahaa gool dhaliyihii ugu goolasha badnaa kooxda Manchester United isla markaana uu kaalinta sadexaad ka galay guud ahaan horyaalkii Ingiriiska, balse ololaha guud ayaa waxaa loo arkay inuu yahay niyad jab weyn.

Kooxda Manchester United ayaa kaalinta lixaad ku dhameysatay xagga kala sareynta dhibcaha ee horyaalka Ingiriiska ee premier lague-a, sidaas ayayna uga baaqatay kamid noqonshiyaha koobka horyaalka Yurub ee Champions league-a.

Taasi ayaa ka dhigan in Ronaldo, oo muddo hal sano ah ay ugu harsantahay qandaraaskiisa iyo sanad dheeri ah oo ikhtiyaar ah uu markii ugu horeysay ka ciyaari doono horyaalka Europa League-a.

Ma aha wax uu ku faraxsanyahay Ronaldo, waxaana xiddigan oo shar jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or dareemayaa inay jiri karaan fursado kale oo u banaan xiligan.

Xigash:BBCSomali