2 mins read

Soomaaliya oo hoggaamineysa 8 Dal oo aan weligood ka gudbin Is reeb-reebka Koobka Qaramada Afrika.

Qaaradda Afrika waxa ay ka kooban tahay 54 Dal, labadii sano mar ayaa la qabtaa Koobka Qaramada oo ay isreeb-reeb u maraan Xulalka dhaca Jihooyinka kala duwan oo ugu dambeyn waddan kamid ah uu qaado Koobkaas.

Waddamada qaar waxa ay kusoo haraan isreeb-reebka, qayb kale Guruubyada halka ilaa labada ugu dambeysa ee mid kamid ah xulalkaas uu ka qaadayo Koobka Qaramada uga haraan Tartanka wareegyadiisa kala duwan.

Qormadaan waxa ay ku saabsan tahay 8 waddan oo Afrika ah oo aan abid kasoo gudbin is reeb-reebka Tartanka AFCON.

Ma taqaan 8daas waddan iyo sababta u ah in aysan u gudbin heerka Guruubka?

1-Soomaaliya: Heerka is reeb-reebka ayuu dalkaan ku haraa, waxa uu fursad u helaa si lamid ah waddamada xubnaha ka ah Qaaradda Afrika balse heerkaas kama soo gudbo, sababta waxaa lagu sheegay in Dalkaan uu ka daalay Dagaal Sokeeye, Colaadda Gudaha & Kubadda Cagta oo aan xoogga la saarin.

2-Eretareeya: Dalkaan dhaca Waqooyi-Bari ee Afrika waxaa kaa saameeyay colaadda gudaha, mana laha xiriir u qaabilsan kubadda cagta, taasi waxa ay meesha ka saartay in waddankaan uu helo xul awood kubadeed leh oo ku metala is reeb-reebka tartanka xulalka Afrika.

3-Koofur Suudaan: Waddaan cusub ee Jamhuuriyadda Suudaan ka go’ay 2011kii waxa uu dhowr jeer isku dayay in uu helo xul rasmi ah oo qarankiisa ku metala Ciyaaraha Afrika balse waxaa saameyn taban ku reebay colaadda gudaha, cunno la’aanta & dhibaatooyin kale.

4-Chad: Dhibaatada dhaqaale ee heysata Dalkaan ayaa sababtay in aanay weligii usoo gudbin AFCON, taasi waxa ay ku dartay liiska waddamadaan siddeeda ah ee aanay u gudbin ciyaaraha kama dambeysta ah ee Afrika.

5- São Tomé and Príncipe: Jasiiraddaan ay ku nool yihiin 219,161 (Labo boqol, toban & sagaal kun, boqol, lexdan & koow ruux), Dadka kunool oo yar iyo Dhaqaale xumo heysata waddankaan ayaa sabab u noqotay in uu dalkaan awoodi waayo ciyaaraha kama dambeysta in AFCON in uu tiigsado.

6-Jabuuti: Jamhuuriyaddaan dhacda Geeska Afrika ayaa sanadihii dambe horumar ka sameyneysay dhinaca Cayaaraha balse maalgelinta iyo awoodda oo liidato uma suuragelin in ay tiigsadaan heerka ugu dambeeya ee AFCON.

7-Jamhuuriyadda Afrika Dhexe: Waddankaan uma suuragelin in uu kasoo baxo marxaladda is reeb-reebka oo xulkii kasoo gudba soo galaya qaanadda Guruubka si uu uga sii gudbo wareegyada kale, waddankaan waxaa kabtan u ah Ciyaaryahanka Qadka dhexe ee Kooxda Atletico Madrid ee Spain Geoffrey Kondogbia balse xulkiisa kuma hoggaamin boos wanaagsan.

8- Eswatini: Boqortooyadaan yar ee Afrikaanka ah weligeed uma gudbin AFCON, taariikhda dalkaan kuma lug yeelan ciyaaraha is reeb-reebka, waxaana uu galay diiwaanka siddeeda waddan aanay weligood u gudbin Ciyaaraha koobka Qaramada Qaaradda Afrika.

Hadda, Soomaaliya rejo intee la eg ayay ka qabtaa in ay u gudubto heerarka kala duwan ee Koobka Qaramada Qaaradda Afrika?