1 min read

Baarlamaanka oo magacaabay guddi dabagal iyo xaqiiqo raadin ku sameynaya xisaab xirka afar sano.

MUQDISHO —Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd macagaabay toddoba xubnood oo ‘daba-gal iyo xaqiiqo raadin’ ku sameyn doona xisaab xirkii afartii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka labada Aqal.

Xubnaha guddigan isku dhafka ah ayaa kala ah;
1. Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
2. Senator Siciid Cabdi Xuseen Cawke
3. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
4. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
5. Xildhiban Cbdirahman Cadde Caddow
6. Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi
7. Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange

XIldhibaannada labada aqal ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka doodayay miisaaniyadda 2022 iyo sidoo kale ay dood dheer ka keeneen halka ay ku dambeeyeen xisaab xirkii sanadihii 2018, 2019, 2020 iyo 2021, iyada oo maanta xildhibaannadu ansixiyeen misaaniyadda sanadkan.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay u soo gudbisay xisaab xirka guddoonkii Baarlamaankii 10-aad, laakiin xildhibaannadii ka tirsanaa baarlamaankii hore ayaa sheegay in muddo afar sano ah aysan yeelan dood la xiriirta xisaab xir.