1 min read

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay.

Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka ra’iisal-wasaarenimada ee uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Sooamaliya.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday madax-tooyada Soomaaliya, waxa ayna imaaneysaa maalmo kaddib markii baarlamaanka uu ansixiyay ra’iisal-wasaaraha cusub.

Raysal wasaare Xamse ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay amniga xoogga saari doonto si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee abaaraha la ildaran.

“Ajandeheenna koowaad waa in shacabkeena aan dhimashada ay baahidu keenayso aynu ka badbaadinno, si aan uga badbaadinno waa inaan amniga sugno” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.