1 min read

Deg deg: Suudaan oo weerar ku qaadday Itoobiya

Ciidamada Suudaan ayaa weerar ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaga ka dib markii lagu eedeeyay in ay dileen 7 askari.

Xukuumadda Sudan ayaa goor sii horraysay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyey Addis Ababa, hase yeeshee warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan waxaanay wasaaraddu sheegtay in ay askartaasi ku dhinteen shaqaaqo dhex martay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

Waxaanay warbixintu intaa ku dartay in ay dawaladda Itoobiy ka xuntahay dhacdadaas.