1 min read

Nafaqo darrada caruurta maamulka K/Galbeed Soomaaliya haysata oo laga dayrinayo.

Xaaladd nafaqo darro ah ayaa la soo daristay carruurta deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in maalinba maalinta ka dambaysa ay ka sii dareyso xaaladda carruurta kadib markii qaybo ka mid ah deegaannadaasiay abaar ku habsatay.

Xarun ay ku leedahay Baydhabo hay’adda badbaadada caruurtaayaa bishan June waxaa soo gaaray carruur ay macluul darro la soo deristay oo 100 kor u dhaafay, carruur toban ka badanna way ku dhinteen.

Tirada carruurta xarunta soo gaartay ayaa 4 jeer ka badan carruurtii la seexiyey halkaas sannadkii la dhaafay ee 2021-ka xilligan oo kale.

Imaaciil Cali Ibraahim oo xarunta carruurta la keenay ka howlgala ayaa BBC-da uga warramay xaaladda nafaqadarrada carruurta.