1 min read

Wasiir Beyle xaq ma u leeyahay in uu diido in uu hortago xafiiska xeer ilaaliyaha?

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa diiday inuu hortago xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo maanta looga yeeray.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa warqad uu soo saaray wuxuu wasiirku ka dalbaday inuu hor yimaado si loo weydiiyo arrimo la xiriira maaliyadda oo sida xafiisku sheegay uu baaritaan ku wado.

Wasiir Beyle ayaa diidmadiisa u sababeeyay in xafiiska xeer iaalinta uusan awood u lahayn inuu u yeero, balse qofka keliya ee u yeeri kara waxna weydiin kara uu yahay Garyaqaanka Guud ee dalka.

Haddaba doodda labada dhinac muxuu sharcigu ka qabaa? BBC-da waxay su’aashaas weydisay Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni) oo ah abukaate waxna ka dhiga Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.