1 min read

DAMBI IIB AH !!!

Maalmahaan Dalka waxaa ku soo batay, Dhar Ragga iyo Dumarkaba lagu dhagraayo. Magaalada Mogadisho waxaad ka helee meela badan.


A) Wiil ayaa leh: Gabartaani waa “Abuu cirbad”. waxaa lagu siray Funaanad Galooskeed Xabadka lagu aadiyay. ( F.S: 1aad)
B) Wiil kale ayaa leh: Gabartaan “Matooraa saaraan”. waxaa lagu siray Caag gadaal lagu Xirtay. Gabdhaha qaar maba yaqaaniin sida loo xirto, waxaa laga yaabaa in iyada oo wadada maree Dabadii ka soo dhacdo. (F.S: 2)
C) Gabar ayaa ku leh: Wiilkaan Jirkiisu waa dhisan yahay, waa “Six Bag”. waxaa lagu siray Caag lagu soo qariyay Shaarka hoostiisa. ( F.S: 3aad)
D) Gabar ayaa leh: Wiilkaan walee “Ciniin maahan”, waxaa lagu siray Caag Surwaalka hoostiisa lagu qariyay. ( F.S: 4aad)
Muslimka waa ka xaaraan Rag iyo Dumarba in Jirkaaga loo muujiyo si aad u kiciso dareenka Qof kale, weliba Adiga oo Qish sameeynayo, wixii wax aan aheyn in aad Qofka ku khalado, ama Badeecadii mid aan aheyn.
Xasuusto Xadiithkii Rasuulkeena Muxamed CSW ee ahaa Qofkii Gish nagu sameeyo naga mid ma ahan. (مَنْ غَشَّ فَلَيْسَ مِنَّا ).
Waa iga talo, Dhalin yarooy Adiga oo is leh, is qurxi si aad u sirto Walaalkaa / Walaashaa, ha ka hor imaan Xadiithkii Rasuulka.
FG: Yeeyna iga Caroon Ganacsatada Wadooyinka Magaalada Mogadishu ku iibiyo Badeecadaan, waxaa aan ka digayaa oo kaliya qeyb ka mid ah, Anshax xumida naloo soo iib geeyay oo aad ku muteeysan karto Ceeb Aduun iyo Cadaab Aakhiro. wixii khald kuula muuqdo ee aad Aragto, in Muslimiinta looga digo waa banaantahay, ee Qoraalkaan si kale ha u qaadan.
Wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir