1 min read

Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe oo maanta lagu dooranayo 12 Xildhibaan.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe waxaa maanta lagu wadaa in lagu doorto 12 kursi oo kusoo biiraya Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS ee horay doortay kuwaas oo metalaya Gobollada Waqooyi-Somaliland & DG Puntland.

Doorashada Muqdisho ka dhaceysa waxaa lagu dooranayaa kuraasta kala ah: HOP#270, HOP#271, HOP#269, HOP#268, HOP#267, & HOP#236 sida uu sheegay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi.

SEIT Somaliland ayaa soo gabagabeeyay diiwaangelinta musharixiinta, xareynta ergada dooraneysa kuraasta, tababar siinta iyo hubinta xubnaha kusoo baxay diiwaanka Odoyaasha Beesha iyo Wakiilada Bulshada Rayidka.

HOP#270: Sakariye Xuseen Caarre ayaa Gobollada Waqooyi-Somaliland ku metalay Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

HOP#271: Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye ayaa ku fadhiya.

HOP#269: Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

HOP#268: Maxamed Cali Xagaa.

HOP#267: Saynab Maxamed Caamir ayaa kursigaan ku fadhiya tan iyo sanadkii 2000.

HOP#236: Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kursigaan loo doortay kaddib markii aabihiis koox hubeysan ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

Dhanka Puntland waxaa maanta lagu dooranayaa 6 kursi oo kala ah: HOP#192, HOP#094, HOP#014, HOP#121, HOP#174 & HOP#074.

SEIT Puntland ayaa soo gudbiyay Musharixiinta u tartameysa kuraasta doorashadoodu ka dhaceyso Garoowe kuwaas oo buuxiyay shuruudaha la hordhigay isla markaana qaatay shahaada muujinta musharaxnimada.

HOP#192: Siciido Maxamed Xasan ayaa ku fadhisay, waxaa ku tartamaya Maxamed Faarax Nuur & Ruweyda Maxamuud Maxamed.

HOP#094: Axmed Ismaaciil Shabeel ayaa Puntland ku metalay Baarlamaanka 10aad waxaase u tartamaya Sahra Cabdullaahi Cigaal & Fardus Maxamed Aadan.

HOP#014: Sacdiya Careys Ciise ayaa ku fadhisay, kursigaan oo sanadkaan ka weecday Dumarka waxaa u tartamaya Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar & Cabdirisaaq Axmed Xuseen.

HOP#121: Canab Xasan Cilmi ayaa ku fadhisa kursigaan, Farxiya Yuusuf Cumar & Nimco Cumar ayaa ku loolamaya.

HOP#174: Waxaa ku fadhiya Burhaan Aadan Cumar, waxaa ku tartamaya Khadra Axmed Maxamed & Leylo Cabdi Faarax.

HOP#074: Ikraan Yuusuf Xirsi ayaa Puntland ku metashay Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad balse waxaa u tartamaya Cabdiqani Maxamuud Maxamed & Axmed Cabdiraxmaan Cilmi.