1 min read

Mareykanka oo doonaya inuu hagaajiyo xiriirka kala dhexeeya Sacuudiga.

Xoghayaha Arrimha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa booqan doona Boqortooyada Sacuudiga toddobaadka soo socda, si uu wadahadallo ku saabsan arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha ula yeesho madaxda dalkaas, sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jimcihii sheegtay.

Washington ayaa dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka ay la leedahay shirkadda ugu weyn ee dhoofisa shidaalka.

Safarka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Blinken, oo daba socda booqasho uu bishii hore ku tagay lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa ku soo beegmaya kadib muranno ay ka mid yihiin dilkii weriye Jamal Khashoggi oo ay geysteen wakiillada Sucuudiga iyo go’aankii sannadkii hore ay kooxda OPEC+ ku joojisay soo saarista saliidda.

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Blinken uu diiradda saari doono sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka Mareykanka ee Riyadh.

Reuters