3 mins read

Mareykanka oo ka hadlay sababta loo baajiyay tababarka ciidan ee Berbera .

Tababarka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo horraantii sanadkan iyada oo ay halkaas ku qaadan lahaayeen tababarka ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africa. Waxa uu qeyb ka noqon lahaa taxane tababar oo balaaran oo ay ciidamada Mareykanku ku qaadan lahaayeen barriga Afrika, kaas oo ka dhici lahaa islamarkaasna ay qeyb ka noqon lahaayeen ciidamada dalalka Bostwana, Rwanda, Uganda, Kenya iyo Djibouti.

Saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa booqday bishii Janaayo ee sanadkan magaalada Berbera halkaas oo loo qorsheeyay in ciidamada Mareykanka ay tababarka ku qaataan. Waxay booqdeen goobo loo asteeyay tababarka, iyaga oo sidoo kale la kulmay madaxda Somaliland. Laakiin tababarka oo la filayay in uu dhaco dhamaadka bishii February ayaa qabsoomin iyada oo saraakiisha wasaaradda arrimaha dibeda ee Mareykanka ay markii ugu horreysay BBC u faahfaahiyeen sababaha uu u baaqday tababarkaas.

Danjiraha shaqada ka tagaya ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa la xiriiriyay sababaha loo baajiyay tababarkaas colaada ka taagan Laascaanood ee u dhexeysa ciidamada Somaliland iyo dadka diidan inay maamulka Hargeysa. Colaadaas ayaa cirka isku shareertay horrantii sanadkan kadib markii odeyaasha dhaqanka ee deegaanka ay shaaciyeen in aysan qeyb ka noqonaynin maamulka Somaliland, iyaga oo dalbaday in ciidamada maamulkaas uu isaga baxo deegaankooda. Boqolaal dad ah ayaa ku geeriyooday dagaalka labada dhinac, iyada oo ay kumanaan kale na guryahooda ka qaxeen. Xabadjoojin dhowr jeer lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale fashilantay iyada oo dedaalo dhex dhexaadin ah oo la waday na aysan weli waxba kasoo bixin.

Danjiraha dowladda Mareykanka Larry Andre waxa uu sheegay saraakiil ka socota taliska ciidamada Mareykanka ee howlgalka Afrika ee fadhigoodu yahay Jabuuti ay booqdeen dekeda Berbera iyada oo qiimaynaya amniga aagga iyo awoodda shaqo ee dekeda Berbera. Waxa uu Danjiraha Mareykanku sheegay in qiimeynta noocaas ah ay saraakiisha Mareykanku ku sameeyaan dekedaha dunida oo dhan, si gaar ah kuwa ku yaal goobaha marinka u noqon kara iyo goobaha ay tababarada ku sameeyaan ciidamada Mareykanka. “Waxaan dooneynay in aan qiimeyno awoodaha iyo shaqada dekeda Berbera haddii ay dhacdo in maraakiibta ciidamada Mareykanka ay u baahdaan shidaal ama adeeg kale,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka Larry Andre.

Waxa uu sidoo kale danjiraha Mareykanka xaqiijiyay qorsheha la doonayay in uu tababar lagu qabto xeebaha Berbera. Waxa uu sheegay in tababarkaas uu qeyb ka ahaa tababar ciidan oo balaaran oo ay ciidamada Mareykanka ku sameyn lahaayeen bariga Afrika. Tababarkaas ciidamada Mareykanka ee howlgalka Afrika waxaa ka qeyb qaadan lahaa in ka badan 800 boqol oo askar, oo ay ka mid yihiin kuwa ka socda lix dal oo Afrika ku yaal. Waxaa dalalkaas ka mid noqon lahaa Jabuuri, Ugada, Kenya iyo xitaa Somalia. Waxa uu safiirka Mareykanka sheegay in ciidamada amniga ee Soomaaliay iyo kuwa Somaliland ba ay si wadajir ah uga qeybqaadan lahaayeen tababarkaas. Si kastaba, safiirka Mareykanka waxa uu sheegay inay u baajiyeen tababarka ciidan ee lagu qaban lahaa Berbera sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ee u dhexeeya ciidamada dowladda Somaliland iyo kuwa beesha deegaanka ee hubeysan. Waxa uu intaas ku daray inay garowsadeen in aysan habbooneyn in tababar noocaas ah ay ku qabtaan Berbera inta ay taagan tahay colaada Laascaanood. “Sababtaas ayaan u baajinayay oo aan dib ugu dhignay,” ayuu yiri safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Muqdisho Larry Andre.

xigasho:BBCSomali