1 min read

Nasashada Jimcaha. Q- 359=Sida ugu wanaagsan ee Dadka Saddaxda Gobal Ex- Banadir aad Xaqooda ku qaadan kartid waa in aynanba Dareemin in Xaq ka maqan yahay=

1. Rasuulkeena Muxamed CSW ayaa yiri: Waxaa la gaari doonaa wakhti, Qofku uuna kala doorbideeyn Maalka uu helayo ma Xalaalaa mise waa Xaaraan.Saxiixul Bukhari, 2083. ( F.M:1aad)

( Haddii aad Madaxdeena iyo Ganacsatadeena Qaar aad fiirisay Wakhtigaa mala gaaray mise weli waa noo dhimanyahay?)

2. Imaam Shaafici RC ayaa yiri: Waxaa nalagu ebtaleeyay Qoom og Wax kasta, laakin aan ogeyn Ceebtooda. ( F.M:2aad)

( Amaa Anagana nalagu Ebtaleeyay Madax loo sheego wax kasta oo Hareerahooda ka dhacayo, intaan ka aheyn Ceebtooda)

3. Fyodor Dostoyefsky, ayaa yiri: Sida ugu wanaagsan ee Maxbuus aad Xabsi ugu sii heey karto isaga oo aan ku fikireyn in uu baxsado, waa in aad xaqiijiso in uunanba ogeyn in uu Xabsi ku jiro. ( F.S: 3aad)

( Sida ugu wanaagsan ee Dadka Saddaxda Gobal Ex- Banadir aad Xaqooda ku qaadan kartid waa in aynanba Dareemin in Xaq ka maqan yahay)

4. Marcus Garvey, ayaa yiri: Dadka aanan Aqoon Taariikhdoodii Hore, Asalkoodii iyo Dhaqankoodu waa sida Geed aan Xidido leheyn. (F.S: 4aad)

( Ar, Adiguna amaad tahay, Sida Geed aan Xidido leheyn oo lagaa qariyay Taariikhdaadii Hore ee Somalida, Asalkaagii oo aadana Aqoon Dhaqankaaga)

5. Waxaa jirto Murti Caalamiya oo leh: Hogaamiyaha dhabta ihi, ma Abuuro Taageerayaal ee waxa uu abuuraa Hogaamiyaal. (F.S: 5aad)

( Hogaamiyayaasheena Dhaqanka, Siyaasadda Heer Gobal iyo Heer Qaran. Ma waxa ay Abuuraan Taageerayaal ay ku taagsadaan, mise Hogaamiyayaashii iyaga bedeli lahaa ee Bulshada wax u tari lahaa?)

6. Waxaa jirto Murti leh: Adigu is Akhri inta aadan Akhrin Dadka kale.

( waxaan Boggeyga Facebook aan ku leeyahay, Saaxiibo Badan oo i Akhriyo inta ayanan iyagu Naftooda Akhrin. Amaad kuwaas ku jirtaa? . Haddiu aad ku jirto ku soo dhawaaw Comments-ka).

Qore: Yahya Amir