1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay aqbalaadda warbixinta Soomaaliya ee ka mid noqoshada EAC.

Muqdisho: — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxda EAC ayaa aqbalay warbixinta codsiga Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.” ayaa lagu yiri bayaanka Villa Soomaaliya, kaas oo i ntaas raaciyay

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee dalladan, fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan.