1 min read

Duulimaadyadii gobolka Gedo oo hakad ku jira iyadoo lagu eedeynayo dusha RW Xamsa.

Waxaa dhowr maalmood hakad ku jira duulimaadyadii gobolka Gedo arrintaas oo saameyn ku yeelatay isu socodka bulshada.

Maamulka ka taliya inta badan degmooyinka gobolkaas ayaa sheegay in markii hore ay diideen shakhsiyaad ay sheegeen in laga soo diray magaalada Kismaayo, waa sida hadalka loo dhigaye, balse markii dambe uu arrrinta soo faro geliyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Gedo waxaa tan iyo 2019-kii ka taagan khilaaf u dhexeeya siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxaa sidoo kale gobolka ku sugan Cismaan Nuux Macallimu oo ah wakiil laga soo magacaabay Kismaayo balse aanu wax qabadkiisa muuqan.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Gareed oo aan la yellanay wareysi kooban ayaa ka hadlay sababta ay joojiyeen duulimaadka gobolka.

“annaga dadka aan celinno waa dad la yaqaanno, qofkii dhibaato wadana waan iska celineyna, maamulka Kismaayo waan is khilaafsannnahay cid xagga ka socotana wan celineynaa.”

“Xamse haddii aadan arrinta labada dhinac ee Jubaland caddaalad ka noqon Karin iska dhex bax” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale Waxaan eedahaas loo jeediyay ra’iisal wasaare Xamse u bnadhignay xafiiskiisa, balse na loogama jawaabin wicitaankayaga iyo farriimaha aan u qornay.