1 min read

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay shirkado iyo shaqsiyaad uu sheegay inay hurinayaan dagaalka Sudan.

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay cunaqabateyn ka dhan ah afar shirkadood oo Suudaan laga leeyahay iyo dhowr qofood oo lagu eedeeyay inay hurinayaan dagaalka u dhexeeya ciidamada milateriga ee iska soo horjeeda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu burburay wada hadal u dhaxeeyay wakiilo ka kala socday ciidamada iyo kuwa taageerada degdega ah.

Arbacadii ugu yaraan siddeed iyo toban qof oo rayid ah ayaa la dilay iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ay ku dagaallamayeen caasimadda Khartoum.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabateyntan cusub ay joojin doonto dhaqaalaha muhiimka ah ee la siiyo labada dhinac ee dagaalka iskula jira ee Suudaan.

Shirkadaha liiska ku jira waxaa ka mid ah mid leh macdanta dahabka, waxaana gacanta ku haya madaxa ciidamada taageerada degdega ah General Dagalo ama Hemedti.

Waxa kale oo jirta shirkad soo saarta hubka oo balaayiin doollar ah oo sahayda ciidankaah. Laakiin dad badan oo indha indheeya ayaa shaki ka qaba in cunaqabataynta Maraykanku ay wax isbeddel ah samayn doonto.

Suudaan ayaa sanado ka hor la kulantay xayiraado uu Mareykanka kusoo rogay.