1 min read

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo qadka taleefanka ku wada hadlay.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Turkiga ee dhowaan dib loo doortay Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay Rajab Dayib Erdogan guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Turkiga Axadii lasoo dhaafay.

Qoraal lagusoo qoray barta Facebook ee Villa Soomaaliya isla markaana faah faahin looga bixinayay wadahadalka labada madaxweyne ayaa u qornaa sidatan.

“Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.”

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha sida weyn uga taageera dowladda Soomaaliya tababarada ciidanka, waxaana magaalada Muqdisho ay ku leedahay Saldhig Milatari.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhoweeyay guusha madaxweyne Erdogan ee doorashadii ku celiska ahayd iyadoo Soomaalidu ay si weyn ula socdeen doorashada Turkiga.