Jaaliyada Soomaalida ee dalka Holland oo ku Shiraz xaruntooda cusub
1 min read

Jaaliyada Soomaalida ee dalka Holland oo ku Shiraz xaruntooda cusub

22 juni 2025 Zwolle, Jaaliyada guud ee Somalida Nederland SFON maanta shir ku qabatay xarunta cusub ee Jaaliyada Zwolle iyo Nawaaxigeeda & Kardo.
Xafkadaas oo ku saabsaney xarunta cusub een jaaliyada furitaankeeda.

Xafkadaas oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan dadweynaha degan Zwolle iyo nawaaxigeeda iyo dad aad iyo aad u kala duwan.

Waxaana warbixin ku saabsan howlaha shaqada ay umada u hayso Jaaliyada Guud ee Somalida SFON. Wada shaqeynta wanaagsan ee ay la leedahay Jaaliyada Zwolle iyo Nawaaxigeeda.

Xafkadaas oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga maamulka Jaaliyada Zwolle iyo dhalinyarada waana uga mahadcelinayaan dhamaantood: Bashiir jiidaal baroow ,Omar Mahamed, Abdulqadir Mansuur, Macalin Abdirizaq, Sufyan, Abdinasir Mahamed Ibrahim Jumbur, Korneel Abdulahi Omar Abdisalan, Abubakar, Maxamed Wali, Mustaf,.

Waxaa kaloo mahad gaar ah leh Daahir Murshid oo qadada maanta soo diyaariyey si heer sare ahna loo soo sameyay, Intii uu shirkaas socday waxaa lagu wada balamay in la sii hormariyo howlaha jaaliyada, lagana qeyb qaato wax wada qabsiga iyo isku xirnaanta.

Abdikadir Ali Nuune Gudoomiyaha Jaaliyada Guud ee Soomalida Nederland SFON& Jaaliyada Zwolle en Nawaaxigeeda SVZ

Bashiir Jiidaal Baroow somaliweyn Netherland