
Madaweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo khadka Taleefanka uga hadlay arrimo Xasaasi ah.
“Caawa, waxaa qadka taleefanka kula hadlay madaxweyne Recep Tayyip Erdoga, waxaana ka wada hadalnay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka tamarta, dhaqaalaha buluugga ah & amniga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shheekh oo qoraal soo dhigay xalay Bsrtiisa X.
Madaweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweeyay taageerada joogtada ah ee uu siinayo horumarinta Soomaaliya & ballan qaadka Turkiga ee ah in uu kor u qaado kaalmada milatari ee dagaalka aan kula jirno argagixisada.
Dhanka kale Turkiga ayaa kordhiyay Taageerada Milatari ee uu siiyo Dowladda Soomaaliya, si ay dalka uga saarto koxaha Nabad diidka ah ee dagaalada ka wada Soomaaliya.