
Jaaliyada Soomaalida Nederland SFON caasho sharaf u sameysay Dalxa
18-05-2025 Rotterdam.
Soo dhaweyn Jaaliyada guud ee Soomaalida Nederland SFON waxey maanta caasho sharaf u qabatay agaasimaha waaxda qorsheenta ee gobolka Banaadir mudane Abdulqadir Muxidin Axmed Dalxa.
Waxaa ugu horeen meesha ka hadlay guddomiye Abdikadir Ali Nune oo kalmadiisa soo dhaweenta soo jeediyay, kadibna ugu war bixiyay xaaladaha guud ee shacabka soo soomaliyeed ee ku nool dalka Nederland.
Agaasimaha ayaa ugu mahad celiyay sida diiran oo ay Jaaliyada ugu soo dhaweysay magaalada Rotterdam, kuna farxay sida diiran Jaaliyada Holland ay ugu soo dhaweysay, waxuuna ka dhawaajiyay in Jaaliyada uu kala shaqeen doono wax walbo oo ay dalkoodi ugu baahdaan.
Sidoo kale waxaa kasoo qeeb galay casho sharaftaasi qaar kamid ah madaxda Jaaliyada Soomaalida ee Nederland oo kala ah:
Omar Mohammed, Omar Abdisalaan, Abdikadir Mansuur, Maclin Xasan, Nuur dheere iyo Axmed.
Ugu dambeyn casho sharaftaasi waxey nagu soo gabo gabootay si wanaagsan oo farxad leh, waxaana agaasimaha u rajeyneynaa howlahiisa inuu alle u fududeeyo.
Guddomiyaha jaaliyadda Soomaalida guud ee Nederland SFON.
Abdikadir Ali kulan Kaasi waxaa u ku soo dhamaday si heersare ah
Bashiir Jiidaal
somaliweyn Holland