
Waxaa lagu dhawaaqay Madaxweynaha Banadir State.
Meel dheer kaama jiro, Afkaaga ayeey ku xiran tahay. Waxaad noqotay Cunugii la yiri: Dhagtaada Bidix soo taabo, ee Gacanta midig ku raadiyay.
Waxaa Xaqiiq ah oo Adiguba aad ogtahay, Dalka waxaa ka jiro Maamul Gobleedyo Xakumo Hal Magaalo oo kaliya, Haddana la baxay State ama Land. Ninka ah Gudoomiyaha Gobalkuna uu la baxay Madaxweyne.
Haddaba maxaa kuu diidayo in Gobalka Banadir aad ugu yeerto: Banadir State, Ninka Hadda maamulu iyo kuwa ka dambeeyana aad ugu yeerto Madaxweynaha Banadir State, ileyn kuwa kaleba iyaga oo ah Gudoomiyayaal Gobal ayaa loogu yeeraa Madaxweyne.
Go’aan
Aniga iyo Saaxiibadey waxaan Go’aansanay in Maanta laga Bilaabo Nin kasta oo Noqdo Gudoomiyaha Gobalka Banadir, aan ugu yeerno Madaxweynaha Banadir State, ku xigeenadiisana aan ugu yeerno Madaxweyne ku Xigeeno, Agaasimayaasha Dowladda Hoosena aan ugu yeerno Wasiiro. AF iyo Qoraalba.
Waxaan kaa fileynaa in aad nagu raacdo Hadeeynan kaa aheyn Diidmadu Doqonnimo ama Xaasidnimo.
Qore:Yahya Amir