M/weynaha Soomaaliya ayaa Cabsi galiyay dunida Carabta
2 mins read

M/weynaha Soomaaliya ayaa Cabsi galiyay dunida Carabta


Xogta ka muuqaata daabacaada Isniintii ee wargeyska Asharq Al-Awsat oo soo bandhigay Maqaal uu Qoray M/weynaha Soomaaliya ayaa Cabsi galiyay dunida Carabta

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo ka hadlay in dagaalka Soomaaliya ay kula jirto argagixisada—oo ay ku jiraan hawlgallo militari oo toos ah oo ka dhan ah saldhigyada Al-Shabaab iyo Daacish—uu qeyb ka yahay dagaal ballaaran oo loogu jiro nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo badaha ku hareereysan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo ururrada argagixisada ee Soomaaliya ka hawlgala, sida Al-Shabaab iyo Daacish, isagoo ku baaqay iskaashi adag oo goboleed si loo ilaaliyo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shaaca ka qaaday in hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay ogaadeen xiriir joogto ah iyo hub isdhaafsi dhexmaraya Xuutiyiinta iyo shabakadaha argagixisada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in maamulka Soomaaliya dhowaan qabtay shixnado walxaha qarxa iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo laga soo diray Yemen, iyadoo sidoo kale la xiray xubno ka tirsan kooxihii hubkan dalka soo gelinayay.

Hay’adaheena sirdoonka waxay xaqiijiyeen xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin hub isweydaarsi iyo farsamo aqooneed,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Si guul leh ayaannu u qabanay shixnado khatar ah oo laga soo diray Yemen oo Soomaaliya loo soo waday.”

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu intaa ku daray in isbahaysiyada noocaan ah ay khatar weyn ku yihiin Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, gaar ahaan marinnada muhiimka ah ee maraakiibta ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kooxaha argagixisadu ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan marinnada biyaha muhiimka u ah ganacsiga caalamka iyo ammaanka gobolka.

Tan iyo markii uu xilka kusoo laabtay sannadkii 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu qaadatay istiraatiijiyad dhammaystiran oo la dagaallanka argagixisada ah, taasoo isku dareysa tallaabooyin fikir iyo dhaqaale, si loo wiiqo awoodda kooxaha xagjirka ah.

In ka badan 300 oo culumo Islaami ah ayaa dowladda kala shaqeynayay sidii looga hortagi lahaa fikirka xagjirka ah, iyadoo sidoo kale la burburiyay shabakadaha dhaqaalaha ee taageera argagixisada, taasoo horseedday in laga xoreeyo degaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Inkasta oo Soomaaliya ay bixisay qiimo culus, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujiyay kalsooni ah in Soomaaliya ay ku socoto waddada nabadda, hadana waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u ugu baaqay dhammaan dalalka ku hareeraysan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo wadajir ah, si loo joojiyo in kooxaha argagixisada ay ballaariyaan saameyntooda gobolka oo muhiimad weyn u leh istiraatiijiyadda adduunka.

Elmi osman Farah Boodhari