
Jaaliyada Soomalida Nederland oo ka qeyb gashay Tartanka Old Boys
Helsink Finland, Jaaliyada Soomalida Nederland oo ka qeyb gashay Tartanka Old Boys ee wadamada Europa sanadkan lagu qabtay wadanka Finland magaalada Helsink.
Waxaa wafdigaas hogaaminayey: Gudoomiyaha Jaaliyada Guud ee Soomalida Netherland SFON: Abdikadir Ali Nuune.
Cayaarahaas oo ay ka soo qeyb galeen 12 kooxod oo ka kala yimid dhamaan wadamada Yurub. Waxaa Netherland uga qeyb galay caraartooy 13 qof ka kooban: waxa hogaaminayey macalin Bashiir Baabuuje Said.
Cayaarahaas oo si aad iyo aad ah loo soo abaabulay waxaana koobka qaaday nadiga ka socday Dalka England Uk.
Waxaan halkan uga mahad celinaya dhamaan jaaliyada Reer Finland gaar ahaan Gudoomiyaha Jaaliyada Reer Finland Yaasiin iyo Gudoomiya ururka Sportiga reer Finland Juujuule .
Gudoomiyaha Guud ee Jaaliyada Soomalida Netherland SFON.
Abdikadir Ali Nuune Bashiir Jiidaal Baroow Somaliweyn
Holland