Nasashada Jimcaha. Q-456=Ar Duubka Deriskaa, Qabiil sooma dirsan ee isagaa is xilqaamay ee yaan shirka laga celin=
2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-456=Ar Duubka Deriskaa, Qabiil sooma dirsan ee isagaa is xilqaamay ee yaan shirka laga celin=

1. Somali land iyo punt land oo Ka wakiil ah Ingriiska iyo imaaraadka ayaa isku qabsaday Khaatumo. ( F.S:1aad) .

( Khaatumo ayaa leh: Anigu kuwa aad xagooda ii jiideysiin, isku midab, dhaqan, Aragti iyo siyaasad ma nihin ee Adinku toos iila xariira, Adinkaan walaalo nahaye, Ama walaalo kale oo ii eg, isku aragti iyo mustaqbal Siyaasadee aan anahay ayaan Raadsanaa)

2. Koo Deriskeenaa oo aad u labisan ayaan maanta arkay. Waxa uuna igu yiri: Waxaan ahay, Duub Hawiye, waxaana maanta ka qeyb galayaa shirka Beelaha Hawiye ee ka dhacayo Hotel Jazeera. ( F.S:2aad)

( Ar Duubka Deriskaa, Qabiil sooma dirsan ee isagaa is xilqaamay ee yaan shirka laga celin)

3. Waxaa jirto Maahmaah Japan ah oo leh: Dameerku kama qeyb galo Tartanka Fardaha, Laakin mar kasta waxa uu ku Qoslaa Faraskii Maalintaa looga raayo Tartanka. ( F.S: 3aad)

( waxaa jiro Qabiilo iyagu aan ka qeyb galin Dagaaladda ee mar kasta Caayo Qabiilkii looga raayo Dagaalada Maalintaa. Ma ogo in Asxaabtii Rasuulka CSW, Mar mar Dagaalka looga reey jiray, marna ay iyagu reey jireen.

Waxaa jiro, Madax wax wanaag ah qabatay waxna ka khaldameen, waxna u saxmeen. Waxaa kale oo jiro Madax aan weligood wax wanaag ah qaban iyo kuwo weligood aan waxba qaban oo dhaliilo kuwii wax wanaaga qabtay, waxna ka khaladameen) .

4. Macalin ayaa Arday ku yiri: waxaad sheegtaa Shan noolo oo Biyaha ku dhax nool.

Waxa uu yiri: waa Rah, Rahaa Aabihii, Hooyadii, Walaalkii, iyo Adeerkii. Ardaygii waa la garaacy. Yaa gardan?. waxa uu sheegay Shan biyo ku noole ee lama dhihin Shan kala nuuc ah sida macalinku rabay. ( F.S:4aad)

( Nin masuul ah ayaa lagu yiri: Sameey Guddi Somaliyeed oo ka kooban Shan Qof oo kala matala 4.5. Waxa uu ka dhigay, Walaalkii, Sodogii, Abtigii, Xaaskiisa 2aad walaalkeed iyo Ninka iska leh Hotelka uu degan yahay. Shantuna waxa ay ka kala socdeen 4.5)

5. Waxaa jirto Oraah leh: “Sometimes, The person you are Comfortably telling your problem is actually your problem” ( F.S:5aad)

Wakhtiyada Qaar Dadka aad Adiga oo ku faraxsan Dhibaatadaada aad u sheegeeysid, iyaga laftooda ayaaba ah dhibaatada aad sheegeysid

( Dhibaatada ay Somalidu u sheeganee Beesha Caalamka, amey iyagu yihiin dhibaatad laftooda)

6. Baraha Bulshada qaarkood Dadka wax ku qoro, ameey noqdaan sida Dooligii Bir qabatada Dooliga, Doollarka loo saaray, amaa la arakaa Suxufi iska yeele Bir Dooli Carabka uga dhagan tahay. Horta war badanaa yaa yaraantiisii xumaanta u meeyriyay. ( F.S: 6-8aad)

( Ar aan shib ka dhaho yeeyna Anigana Carabka i marsiine)

Qore :Yahya Amir