Fahad Yaasiin : SHIRQOOLKII  CIIDAMADA XOOGGA DALKA.
1 min read

Fahad Yaasiin : SHIRQOOLKII  CIIDAMADA XOOGGA DALKA.

Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, waxay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.

Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geesteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah ma soo marin.

Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga.

Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah.

Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Taliskii CXD ee waqtigaas ayaana ahaa kuwa feejigan. Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay.