Heshiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Xog-ururinta iyo Diiwaangelinta Qaranka (NADRA).
1 min read

Heshiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Xog-ururinta iyo Diiwaangelinta Qaranka (NADRA).

Soomaaliya – Xilli muhiim ah oo isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya ku yimid, Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Xog-ururinta iyo Diiwaangelinta Qaranka (NADRA) ee Pakistan waxay saxiixeen Addendum-2 sida waafaqsan heshiiska ugu weyn ee Nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed (SNIDS).

Xafladda ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay H.E. Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta (MOIFAR).

Heshiiskan ayaa waxaa u saxiixay Agaasimaha Guud ee Hay’adda NIRA C/wali Cali Cabdulle, halka uu u saxiixay Madaxa Mashaariicda (CPO) ee Hay’adda NADRA Rehman Qamar.

Kordhintaani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday oo lagu xoojinayo maamulka aqoonsiga iyo nidaamyada dowladnimo ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo yoolalka isbeddelka dhijitaalka ah ee ballaaran ee dalka.