
Fahad Yaasiin : “Madaxweynaha Jamhuuriyada waan ku boogaadinaynaa dadaalka iyo..”
Madaxweynaha Jamhuuriyada waan ku boogaadinaynaa dadaalka iyo garab galka joogtada ah ee uu siinayao labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, isagoo furimaha dagaalka naftiisa gaynaya.
Waxaanse Madaxweynaha xusuusinayaa, xilka loo dhaariyey wuxuu farayaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo dalka oo idil. Sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inuu usoo jeesta dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah.
Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano.