
Nasashada Jimacaha. Q-452=Gabareey Duca waalid hadaadan wadan Magafaa Gacanta kaa qabsan doono?=
1. Boqor ayaa ku riyooday iyada oo ilkihii oo dhan ay ka wada dhacdeen oo hortiisa ay Daadsan yihiin. Nin Riyada fasiro ayuu u yeeray. Ninkii ayaa yiri: ehelkaaga oo dhami hortaada ayeey ku wada geeriyoonayaan Adiga oo nool. Waxa uu Boqorkii yiri: ha la xabiso. Nin kale ayuu u yeeray isla sidii ayuu u faairay isagiina waa la xiray. Mid Sadaxaad ayuu u yeeray. Waxa uuna ku yiri: Boqorow Dadkaaga Adigaa u cumri dheer. Abaal marin ayaa la siiyay.
( Fasiraadu waa isku wada mid, laakin sida loo yiri iyo dhinaca lagaa tusay Ayaa kala duwan. Saxaafadda Somalidu haka fikirto dhinaca ay Dadka wax ka tusee). ( F.S:1aad).
2. Gabar Habaar waalid u horeeyay, ayaa ku duceeysatay, Alloow ii sahal Nin ila socdo oo Gacanta iga qabsado, Baabuurka iridiisana iga furo. Ducadeedii Alla waa u aqbalay. ( F.S:2aad)
( Gabareey Duca waalid hadaadan wadan Magafaa Gacanta kaa qabsan doono)
3. Mr. Afande ayaa yiri: Ninka kaliya ee Fakhri ah ee shuruud la’aan Naagu ay jeclaanee waa Aabaheed. ( F.S:3aad)
( Run miyaa?)
4. Mugabe ayaa yiri: Haddii Saaxiibtaa ay kaa raacdo Nin Hantiile ah waxaad leedahay: Jaceykeedii weey khayaantay, Xoolo Aduunyo ayeey ka raacday.
Laakin Haddii walaashaa ay Saaxiibkeed ka raacdo Nin Xoola leh: waxaad leedahay: Nasiib ayey leedahay, Muufadeedaa Malaq ugu dhacday. Walaal Adigaa ah, Qof aan Jaceeyl agoon. ( F.S :4aas)
( waxaad walaashaa la jeceshahay, Saaxiibtaa ha uga xanaaqin)
5. Qiimihii Jaceylka oo la Lacageeyay, Shalay Haddii Gabaru ku Tiraa: waan ku Jecelahay, Qiimaha ugu badan waxa uu ahaa in aad tiraa: Wallaahi Gacaliso Anna waan ku jecelahay oo Run kaa ah.
Maanta, Haddii ay ku tiraa: waan ku Jecelahay, Qiimaha ugu yar ee ay ku weeydiinee in aad ku jawaabto, waa: Aboowe, Guriga Kiradiisaa la igu leeyahay. ( F.S:5aad)
( Ar dhaliyarooy, in wax la isa siiyo ma xumee, Jaceeylka Sarifka ha laga dhaafo)
6. Nin Cabqari ayaa yiri: Aamusnaanteyda Macnaheedu ma ahan in waxa aad sheegee aan kugu raacsanahay, ee Doqon nimadaada ayaa u sabab ah in aan kaa aamuso, waxaadna is leedahay laguma fahmin.( F.S:6aad)
( Doqon ka aamus)
Qore:Yahya Amir