Nasashada Jimcaha. Q- 451=Siyaasiyiinta Somalidu 7 Sano ma wada socdaan, ama waa isa sirayaan, ama Midaa la siraa”.
2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 451=Siyaasiyiinta Somalidu 7 Sano ma wada socdaan, ama waa isa sirayaan, ama Midaa la siraa”.

1. Wiil jaamacad ka soo qalin jabiyay, ayaa yiri: Xildhibaan keeyga ayaa igu yiri, CV-gaaga iigu soo dir E-mail keeyga, si aan ugu gudbiyo Xafiiskii aad ka shaqeey leheyd.

Waan Hilmaamay in aan Xildhibaanka u diro CV-gii. Laakin, Laba usbuuc kadib ayaan Xildhibaankii arakay, waxaa uuna igu yiri: CV-gaagii waan gudbiyay, mar dhaw ayaadna helidoontaa Jawaab aad ku faraxdo.

( Ma leys Ajaraa?!, ma leysa Siraa? Masuuloow mulqaha maaweeladda ka dhaaf )

2. Wiil yar ayaa waxa uu maqlay, Gabar Deriska aheyd oo leh: Wiilkaa waxaan wada soconaa 7 Sano, waana is guursaneynaa.

Wiilkii yaraa ayaa yiri: Abaay, Ma hubtaa, Walaalkeey 6 Sano ayuu dhiganayay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda, Haddana Bajaaj ayuu wadaa.

( “Siyaasiyiinta Somalidu 7 Sano ma wada socdaan, ama waa isa sirayaan, ama Midaa la siraa”.

Siyaasiyiintii aad arki jirtay iyaga oo wada socdo 7 Sano ka hor, Hadda ma wada socdaan, iyaguna waa isku siran yihiin, Adiguna waad ku siran tahay( F.S: 1- 13aad).

Kuwii ka sii horeeyay ayaa tusaale kuugu filan xiriirkoodii Xad laawe. ( F.S:14-18aad )

3. Mahatma Gandhi ayaa yiri: Haddii Doqon loo dhiibo Awoodda, Macnaheedu waxa ay tahay, in kuwii iyagu Doortay ay heleen, doqontiii ku habooneed ee Matali leheyd. ( F.S:19aad)

( Kii aad Doorato, Dambiga waad la wadaagee, Dhibka ugu badanna Adiguu kaa soo gaaraa)

4. Waxaa jirto Maahmaah Turkey ah oo leh:( When the Thief is inside, No lock can Hold the Door). Haddii Tuugu gudaha ku jiro, Qunfulku ma xafidi karo Albaabka, Qunfulku waxba tari maayo.

( Somaliya Xagee, Tuugadu ku dhax jirtaa, ma Xafiisyada, Saldhigyada Ciidan, Ganacsato, Maxkamadaha, Masaajidda iyo Culimadda Dowladu ku daneysato, Dowlad Gobaleed. Mise Dalkaba Tuug kuma dhax jiro.

5. Nin Macallim ahaa ayaa yiri: Haddii Beenloow iyo Tuug aad u ogolaato in ay Go’aan kuu gaaraan.
Hala yaabin haddii Go’aan xun ay Adiga kuu gaaraan. ( F.S: 20aad)

( Baarlamaankeena Been iyo Tuugu laguma yaqaan, iyagaana Go’aan fiican noo gaarayo. Sidaad ma ahoo, Gadaal iiga siko ha igu istaagine)

6. Nin ayaa Saaxiibkii ku yiri: Ku soo dhawow Afrika, Meesha kaliya ee aad Saldhiga Boliska Saf u galeeyasid, si aad Dacwadaada u gudbiso, ilaa dhamaadka dhererka Safka aan muuqan, Habka Dacwa gudbinta iyo Jeeb farteeysku ay ku gaarsiiyaan in aad quusato oo Qofkii aad Dacwada u qabtayba aad iska Cafiso, ama aad iska hilmaanto. ( F.S: 21aad)

( Koo agteyda Fadhiyo ayaa leh: Somaliya, Saldhigyada, Maxkamadaha iyo Xafiisyada, Sidaanu ma ka jirtaa?…..Waa yabe….muxuu ka shakiyay )

Qore:Yahya Amir