
Yam yam iyo Qadaad weyn
Sayidkii ayaa markii Dhul iyo Cirba laga soo weeraray, ee Jab weeyni soo gaaray, ayaa lagu yiri: Ingriiskii waxa Dalalkii uu gumeeysanayay ee Hindiya iyo Sawaaxili uu ka soo wadaa Ciidamo kuu soo bax baxsanayo
Maraa ayuu sayidkii yiri: Agaa, Ma Hindi iyo Sawaaxili, La jab ma haddaa Yam yam iyo Qadaadweeyn la iga celcelinaa.
Dowladii Somaliya Markii Gudaha iyo Dibadda Mucaarad looga kiciyay, ayaa Madaxweynaha lagu yiri: kooxa Cusub oo aan Haybtooda la aqoon ayaa kugu soo socdo.
Intii uuna jawaabin ayaa RW, Xamsa yiri: Agaa, war la jab, haddii Maanta ay noo bax baxsanayaan. Fahad Yaasiin iyo Amiin Jeesoow. ( F.S: 1-2aad)
Was/Xigeenka War faafinta, Cabdiraxman Al Cadaala oo ag fadhiyay ayaa yiri: isinka ilaaheey war ma heeysiine Bishan Ramadaan markii Shayaadiintii waaweeyned la Aamusiyay, waxaa la soo Daayay Shayaadiintii Yar yareed.
Madaxweynaha ayaa yiri: yaa, yaa, Xaad Hadda kala yaabee, Diintaaba noo sheegtay In Shayaadiinta yar yar la soo deyhaayo Bishaan Ramadaan. Anigaaba Jimcihii ku sheegay Khudbadeeydii Masjidka.
Wasiirkii Warfaafinta Md. Daa’uud Aweys ayaa yiri: Heeh, Md. Madax weyne, Kuwa Ramadaankaan la soo deeyay Sheydaanul Jinigii ma ahan, ee waa Sheydaanul insigii yar yaraa, Cayayaankii Baraha Bulshada, ( CBB) oo si ficaan loo soo cabeeyay, Carabkana Sun halis ah ku wato. ( F.S:3aad)
Waxaa jiro Qaanuun maamul oo leh: ( Dowlad aan kontorooli karin Mediyaha Dalkeedu Doowlad ma ahan)
Mediyuhu, Dad heshiis ah ayuu isku diri karaa, Dad dagaashana waa heshiisiin karaa. Qof wanaagsan ayuu sawir xun ka bixi karaa, Qof Xunna Sawir wanaagsan ayuu ka bixi karaa, Doqon ayuu sii karaa Fursad uu ku hadlo, Caaqil ayuu fursad u diidaa. Shacabka ayuu ku hagi karaa Mediyuhu waddo khaladan.
Hala yaabin, Qoraaladda nuucan ah waxaa la yiraa: ( Fiction) waa nuuc sheeko qoraaleed badanaa lagu hal qabsado Dadka siyaasadda ku lug leh. (F.S:4aad)
Haddii Sayidkii Yam yam iyo Qadaad weyn lagu Saliday, Somalida maanta waxaa lagu Saliday Dowlado aan Sakada sii jirnay iyo……….
FG: waa habaka loo qoro sheeko Qoraaleedka “Fiction-ka” dhalnteedka ah, waa kaftan magaalo ee ha isku kurbeyn.
FG : wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar
Qore: Yahya Amir