
Deg Deg: Duqayn lagu dilay Horjooge sare oo Al-Shabaab ka tirsanaa.
Taliska Nabadsugida Qaranka ee NISA oo war saxaafadeed ka soo saaray howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen saaxibada Caalamka ayaa xaqiijiyay in lagu dilay Horjooge sare oo lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas. Duqeyntab ayaa ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Duqeyntan oo xalay maqribkii dhacday ayaa aheyd bartilmaameed gaar ah oo lagu beegsaday goob ay ku shirayeen horjoogayaal dhowr ah oo deegaanka caan ka ah, laguna yaqaano howlgelinta iyo abaabulka dhanka dagaalka ah deeganadq Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana laga burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.