Somaliya iyo Proxy war: Xaqiiqda ha iska indha tirin, wada Akhri, kadibna Jawaabtaada na sii.
3 mins read

Somaliya iyo Proxy war: Xaqiiqda ha iska indha tirin, wada Akhri, kadibna Jawaabtaada na sii.

Xaqiiqda ha iska indha tirin, wada Akhri, kadibna Jawaabtaada na sii.

Somalida qaar, “proxy War” , waxa ay u yaqaaniin Kooxo burcad ah oo Magaalo isku dhax eryanayo.

Dhabtii sidaa ma ahan.

Waa Dagaal ay Toos ugu dagaalayaan laba kooxood iyaga oo uga wakiil ah Qolyo kale.

Proxy war: Caalamiyan waxaa loo qeexaa: ( Iska hor imaad Laba Dal ama laba Awoodood, ayna ku kala taageerayaan Kuwa Dagaalamayo taa oo ay u arkaan Dantooda, laakin iyagu toos ugama qeyb galaan Dagaalka) .

kuwa Dagaalka hurinayo waxa ay ku hagaan Dagaalka Qorshahooda fog, iyaga oo iska ilaalinayo in ay ka muuqdaan wajiga hore.
Proxy war, waxa uu badanaa ka dhacaa meelaha leh muhimad Strategy, sida wakhtigii Dagaalkii qaboobaa ee Mareykanka iyo Midawgii Soviet iyo shiinuhu ay kala taageerayeen, Korean war, Vietnam war iyo Afghanistan war.

Hadaba Dagaalkaa proxy War, ma ka jiraa Somaliya, ma iyadaa dhaxdeeda ka dagaalamee mise waxa ay u dagaalee iyada Wakiil uga ah Dagaaladda Quwado kale?
Inta aadan ka jawaabin, fiiri Calaamadaha Lagu aqoonsado Prox war iyo Sida Culimada Siyaasaduhu u qeexaan dhaqanada lagu yaqaan proxy War.

1. Ku lug lahaansho Dadban.

Quwadaha wax daneynayo waxa ay siinayaan Taageero Dhaqaale, Ciidan iyo Tababar, dhinaca Sadaxaad ee la adeegsanyo ee ah, Dowlad, mucaarad, Militias, ama Argagixiso.

2. Danta Strategy.

Qolada wax taageeree waxa ay rabaan in ay fidiyaan Saameeyntood ay ku leeyihiin kuwa ka soo horjeedo, ama in ay helaan Khayraad dabeeci ah iyaga oo aan Dagaalka toos u galin.

3. Ka fogaansho eedeeyn

Qolada Taageereyso “prox war”, waxa ay rabaan in aan Berri toos loogu eedeyn karin Caalamiyan in ay arinta faragaliyeen.

4. Dheereynta Colaadda.

Proxy war, badanaa waa ka wakhti dheeryahay, Dagaalka Tooska ah, sababta oo ah Quwaha waaweyn waxa ay Dagaalka wadi karaan iyada oo uuna uga dhiman Asgari koodaa.

Tusaalooyin Proxy war. Wakhtigii Dagaalkii qaboobaa ( Cold war) :

A) Dagaalkii Korea ( 1950-1953) Mareykanka iyo Chinaha ayaa kala Taageerayay waqooyiga iyo Koofurta Korea.

B) Dagaalkii Vietnam (1955-1975) Mareeykanku waxa uu taageerayay Koofurta Korea, halka Ruushka iyo Shiinuhu ay Taageerayeen waqooyiga.

Dagaalkii Qaboobaa kadib ( post Cold war)

A) Dagaalkii Syria ( 2011- weli Raadkiisii ma dhamaan) quwado farabadan ayaa ku loolamayay sida Mareykan, Ruush, Iran iyo Turkey iyaga oo kala taaheerayay Quwado iska soo horjeedo oo Suuriyaan ah.

B) Dagaalkii Yaman ( 2014- Weli) waxaa ku dagaalamayay Sucuudiga, Imaaraad iyo Iran oo dhinac ah, kuwa kalena ay gaddal ka sii riixayeen.

Maxaa ka dhasho Proxy War.

Caadiyan waxaa lagu yaqaan Proxy War in laga dhaxlo.
Shacab badan oo ku dhinto kuna naafoobo, Barakac bulsho iyo Burburin nuucyo Hantiyeed oo badan, daganaan la’aan deegaan oo ku fido deriska deegaanka, khayraad Dabeeciya oo si fudud loo qaato, Abuuritaan Xuduudo danleey, abuuritaan Maqnaasho maamul ( power vacuums) Abuuritaan Xagjir iyo is aaminid la’aan mustaqbalka ee Bulshadii ama Dowladii la adeegsaday.

Muddo kadib ayaa badanaa, kuwii la isticmaalay waxa ay ogaadaan Sabata loo isticmaalay in aynan iyagu leheeyn, waxa ayna u kala Go’ aan sida labo, Korea, Labo Vietnam, Labo Yaman iyo kuwa kale.

Haddaba Akhristoow, Aragtidaada aan ka faa’iidnee. Haddii aad aragtay, sidda Caalamiyan ama Cilmi ahanba loo qeexayo proxy War.
Somalidu ma iyadaa dhaxeeda Dagaashan mise, waxa ay u dagaalamayaan Qorshe hore loo degay, iyada oo ka wakiil ah Cid kale oo Dani ugu jirto Colaadda Somalida?

Jawaabta Adigaan kuu dhaafay.

Mahadsanid. Saxuurtaan ku sugayay Qoraalkaan, kana raali ahaaw waan kugu dheereeyaye.

FG:wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore:Yahya Amir