Nasashada Jimcaha. Q-450=Somaliyana badanaa Qofku ma difaaco Xaqa ee waxa uu difaacaa, Shakhsiga, Qabiilka iyo Danta gaar=.
2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-450=Somaliyana badanaa Qofku ma difaaco Xaqa ee waxa uu difaacaa, Shakhsiga, Qabiilka iyo Danta gaar=.

1. Leo Tolstoy, ayaa yiri: Haddii aad dareemee Xanuunka jirkaaga, waad Nooshahay. Haddii aad Dareemee Xanuunka Dadka kalena waa Beni aadannimo. ( F.S:1aad)

( Annga Madax noo joogto, Xanuunka Dadka kale heeysto haba la gaaree, kooda ma dareemaayaan.
Aaway, Xadiithkii Rasuulkeena CSW ee ahaa Muslimiintu waa sida Jirka oo kale haddii Xun ka mid ah xanuunsato Jirka intiisa kalena waxa ay dareemee Dhafar iyo Xanuun.)

2. Nin khabiir ahaa, ayaa yiri: Samankaan aan joogno, Dadku ma difaacaan wixii Sax ah, ee waxa ay difaacaan Qofkii ay ka helaan, iyo Halkii Dantu ugu jirto. ( F.S:2aad)

( Somaliyana badanaa Qofku ma difaaco Xaqa ee waxa uu difaacaa, Shakhsiga, Qabiilka iyo Danta gaar)

3. Odaygii Bob Marley ee Timaha ku urka badaan, Heesihiisa ma rabo ee murtidiisa kale ayuu ku yiri: Lacagto waa “Number” Tiro, tirana ma dhamaato, Haddii ay kula tahay in Lacagtu Farxad keenee, Raadintaada Farxadu weligeed ma dhamaaneyso ” ileyn Farxadii waxaad ku xirtay Lacag oo ah tiro aan dhamaan. ( F.S:3aad)

( Stress-ka, Madax xanuunka iyo Farxad la’aanta ugu badan waxa ay hayaan kuwa Lacagta leh)

4. Mar kale Bob Marley ayaa yiri: Nolosheena Maanta, Dadku waa sida Shimbiraha oo kale. Haddii Shimbirta aad ku caawiso in ah Duusho, marka ay Hawada gasho, waa kugu soo xaartaa. ( F.S:4aad)

( Siyaaaiyiintana intooda badani, waa sida Shimbirahaa oo kale)

5. T.S Eliot, ayaa yiri: Dhibaatada Dunidan soo martay barkeed, waxaa u sabab ah, Dad rabay in ay noqdaan Qof muhim ah
. ( F.S: 5aas)

( waa Dad rabay in ay Dad kale Jaranjar ka dhigtaan, Adiga weligaa ma lagaa dhigtay Jaranjar, dhibna ma kaa soo gaaray? )

6. Henrik Ibsen, ayaa yiri: dhibaatada ugu xun ee Qof uu naftiisa u geeysan karo, waa in uu Cadaalad daro ku sameeyo Dadka kale. ( F.S:6aad)

( Tanu, waa badan tahay ee kuwa Sameeyo Cadaalad daradu, madareemaa in Cadaalad daradu ay ku soo noqonee isla iyaga ).

Qore :Yahya Amir