
Ex. RW Khayre oo Dowladda u soo jeediyay inay sii dayso Wariye Cali Muumin.
Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee Dowladdu kula kacday wariye Cali Aadan Muumin oo habeenkii seddaxaad caawa xabsi ku hoyanaya.
Sida uu dhigayo qodobka 35ᵃᵃᵈ ee Dastuurka Dalka iyo qodobka 39ᵃᵃᵈ ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed, muwaadin kasta oo la xiro waxa uu xaq u leeyahay in maxkamad lagu horgeeyo muddo 48 saac gudahood ah. Waxaase ayaandarro ah in wariye Cali Aadan uu xiran yahay muddo 48 saac ka badan iyadoo aan maxkamad la horgeynin, taas oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadinka, dastuurka dalka, iyo shuruucda kale ee qaranka.
Xarigga sharcidarrada ah ee wariye Cali Aadan iyo wariyayaashii kale ee horay loo xiray waa isku-day gurracan oo lagu aamusinayo saxaafadda. Waxaana madaxda dalka ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo wariye Cali, lana joojiyo xarigga iyo cagajugleynta lagu hayo warbaahinta madaxabannaan.