
Qofba si u arag: Horuumarka amaan ee shalay ka muuqday Magaaladda Mogadishu.
Maxaa ku cusbaa Booqashadii shalay ee Abiya, oo Sanadahaan dambe aan dhicin, laguna tilmaami karaa Horuumar ay Dowladdu ka gaartay Dhinaca Nabadda
Waa ku lugeeyay magaalada iyada oo weliba ay Cadceedu kulushahay markii wadooyinka qaar la xiray.
1. Ammaanka Madaxda waxaa ilaalinayay Ciidamo Somaliya oo kaliya, halkii Sanadahii hore Ajaanibi ilaali jirtay.
2. Amaanka Madaxda shalay lama socon Gaadiidka Quryuhu Saaran yihiin ee Tiknikada loo yaqiin.
3. Waa dhici jirtay in Hoobiyo la soo tuuray, Howsha loo jooji jiray. laakin shalay howshii looma joojin, isla markiina waxaa la tagay Goobtii laga soo tuuray, waana la qabtay.
4. Madaxdu kuma ekaan Xarumaha Dowladda ee waxa ay tageen Goobo dalxiis.
5. Haddii Madax sare imaanee magaalada oo dhan waa la wada xiri jiray Saacado badan, laakin shalay Magaalada qeybo yar ayaa laga xiray muddo gaaban.
6. Madaxda midkoodna ma wadan jaako, waxa ay u labisnaayeen sida Dadka caadiga ah, in kasta oo magaaladu ay kululeyd oo aan jaako la qaadan karin sida qurba joogta.
7. Dadkii ka dhoofi lahaa Garoonka Dayaaradaha ee wadadu ka xirmi jirtay, waxaa loo diyaariyay Goobo Cayiman oo Basaska Police-ku ay ka soo qaadaan iyaga oo Boorsooyinka ay wataan, lana geeyo Garoonka Dayaaradaha si Safarkooda ayna uga baaqan.
8. Marka Madax sare ay imaanee, Dayaardaha qaar Duulimaadyadooda Dib ayaa loo dhigi jiray, taa oo dhib ku aheyd Dadka meel kale Transit ku ah. Shalay ma jirin Dayaarad Duulimaadkeedii baajisay.
9. Hore waxaa La xiri jiray wadada Gaadiidka Qudaarta ka keeno Afgoi iyo Balcad ee Magaalada soo galo ” Check points”. Shalay Magaalada lagama xirin, lamana weyn khudaartii.
10. Musikadda loo garaacayay Markuu yimid, labada Callan. Waxaa loo dhaxgaliyay musikadii ” Somaliya Somalibaa leh” taa oo diree Fariin Diblomasiyadeed.
Taasi waa dhinaca isbedelka Amaanka Magaalada. Dhinaca, Isbedelka Siyaasadda Qofba aragtideed.
Qore:Yahya Amir