
Hay’adda SCAC oo Siminaar 2 maalin socday u qabatay qeybaha Warbaahinta (Sawirro)
Hayadda Ka hortagga Xanuunka HIV/AIDS ee SCAC ayaa Xarunteeda Muqdisho ugu qabatey Tababar ku saabsan Xanuunka HIV/AIDS ugu Qabatey Qaybaha Warbaahinta iyo qaybaha Baraha Bulshada
Ujeedka loo qaybtey Tababarkaan ayaa ahaa Sidii Warbaahinta galaangal ugu yeelan lahayd Sidii loo joojin lahaa Faquuq markasta la kulmaan Dadka la nool Xanuunkaas.
Madaxa Hayada SCAC Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegey in Hayadda Maalmahan wadey Tababaro ay u qabaneysey qaybaha Warbaahin iyo Qaybaha baraba Bulshada si looga Hortago Faquuqa lagu hayo dadka la nool Xanuunka HIV waxaa Tababarka Goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka socotey Unicef, Wasaarada Caafimaadka, Dadka la nool Xanuunka HIV iyo Waaxda Caafimaad Gobolka Banaadir
SAWIRADA HOOS KA FIIRI.