Nasashada Jimcaha. Q-448=Somaliyey, Nin Musqul ka Aadaamay, Jamaaco ma helo”=
1 min read

Nasashada Jimcaha. Q-448=Somaliyey, Nin Musqul ka Aadaamay, Jamaaco ma helo”=

1. Waxaa jirto Murti leh: Fasax ha u weeydiisan in aad duusho, Baalaashaada Adigaa leh, Cirkana Shakhsi kaa leh ma jiro. ( F.S:1aad).

( Somaliyeey, Fadax Cidna ha u weeydiisan in aad midowdu, Dalkaaga Adigaa leh)

2. Waxaa jirto murti leh: Haddii aad dooneysid in aad duusho ka gudub waxyaaba ku celinayo. ( F.S:2aad)

( Somaliyeey, Haddii aad dooneeyso in aad noqoto Qaran Xoog leh, ka gudbub Ciladaha kaa hor taagan)

3. Waxaa jirto murti leh: Maxaa kugu celiyay Adoonnimo, Adiga oo duuli karo. Ogaaw Awoodaada. ( F.S:3aad)

( Somalida maxaa ku kalifay in ay Shisheeye ku tiirsanaato ilaa 1960kii, miyeeyna ogeeyn Awoodeeda)

4. Waxaa jirto murti leh: cidina kuu imaan meeyso si ay kuu Xureeyso. Istaag, oo Adigu noqo Geesigaagii. ( F.S: 4aad)

( Somaliyeey, Ciidan Shisheeye kuu Xureey maayo Dalkaaga ee Adigu si isku duuban isku xureey)

5. Waxaa jirto murti leh: Haddii Ukun ay jabiso Quwad Banaanka uga timid, waxaa dhamaaday Noloshii. Haddiise Ukunta ay jabiso Quwad gudaheeda ka timid, waxaa bilaabanayo Nolo. ( F.S:5aad)

( Somaliyeey, Haddii aad ogolaato Isbedel dibadda kaaga yimaad, waxaad weeynee Horuumarkaaga, Haddiise aad hesho isbedel Gudahaaga aad ka curisay, waxaad gaaree, Horuumar)

6. Waxaa jirto Murti leh: wax macna ah ma sameeynayo wanaagaagu, marba haddii aad taagantahay meel xun, wax qiima ah malihid. ( F.S:6aad)

( Somaliyey, Nin Musqul ka Aadaamay, Jamaaco ma helo” )

Qore :Yahya Amir