Digniin Culus. Khatarta ku soo korortay Beeraha  Qaadka Meru. (Cudur Halis ah oo laga digay).
1 min read

Digniin Culus. Khatarta ku soo korortay Beeraha  Qaadka Meru. (Cudur Halis ah oo laga digay).

Sida ku cad warqadda Tirsigeedu yahay. Ref. No. PH 10/13/VOL1/119 kuna Taariikheysan 12/Feb/2025 ee ka soo baxday Xafiiska Gud/Xig/ Gobalka Meru Mr. Samuel K. Njuguna.

Waxa ay Cadeynee Dadka deegankana ay uga digee in Gobalka Meru ee Qaadku ka baxo uu ka dilaacay “Cudurka Kudka” ee ku dhaco Dadka loona yaqaan ” Anthrax in Human”. Cudurkaa oo Dadka iyo Xoolahaba Halis ku ah ayna isku gudbi karaan. Cudurkaa oo Faafo ayaa Dowladda kenya si aad ah uga digee Dadka Deegaanka Meru iyo Gobalada u dhaw si uuna ugu fidin Dad iyo Duunyaba. (F.S:1aad)

Cudurka “Anthrax in Human” waxaa uu leeyahay Nabaro Cuncun ah oo ku bilaawdo Maqaarka kadibna u gudbo Jirka gudihiisa hoose. ( F.S:2-6aad)

Sidaa Darteed waxaa ila haboon in Dadka Somalida ee Isticmaalo Qaadku ay ka foojignaadaan Cudurkaa halista ah, waxaana ka Codsanayaa Hayadaha Dowladda Heer Qaran iyo Heer Gobalba in ah Arintaa naga siiyaan Faahfaahin iyo xog buuxdo sida wax u jiraan.

Qore: Yahya Amir