Nasashada Jimcaha. Q-446=Allow ummadaada kuwa Culeeyska ku hayo ka qaad.=
2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-446=Allow ummadaada kuwa Culeeyska ku hayo ka qaad.=

1. Bilcaanta rabtaas saaran, waxa ay igu yiriheen waa Calaamaddii Xuriyadda, sinaanta- isku jurub iyo Xuquuqda Qof in lagu dhax dhowrayo Ameerika.
Hayeey, Hayeey, Hadda Trump ayaa yimid, Duqdiina waa ka soo carartay Ameerika. Xaad sugeehee, Ar ka soo kud. ( F.S:1-2aad)

( iska soo noqo ebadba waxaad aheyd Habaaw, kadibna Madiidin maashi loo heeystaad eheed )

2. Deegaankaan Amerika ku yaal Asal ahaan waxaa deganaa Qabiiladda Cali beesteenka “Red indian” Buurta Caanka ah ee Amerika waxaa Taalo Qoraal ah looga dhisay Afar Madaxweyne oo Mareykan ah oo halkaas u haajiray, Ardayda Mareykankana Isguulada waxaa lagu baraa in ay ahaayeen Geesiyaal.
Afartii Geesi ee Cali beesteenkana Taariikhdoodii Hawadaa lagu cunay. Taasi Ameerika oo kaliya kama dhicin. (F.S:3aad)

( inteey ka dhacday?)

3. Nin Somaliya ayaa ugu maahmaahay Nin kenyaan ah: ( Kor naageed Kabo isma dheero) ” Somaliduna Been waa sheegtaa laakin Been kuma maahmaahdo” . Kenyaatigii ayaa laba Gabdhood oo xaafadda deganaa u yeeray. Kuna yiri Somaligii Tan 1aad Anaa Guursanaa ee Adiguna tan kale qaado. ( F.S:4aad)

( Maxaa nala yiri, dhalinyarada Jaamacadaha ka soo Qalin jabisay Kabo isma dheero, Shaqa helida waa u wada simanyihiin, kadibna hoos loo kala xulay)

4. Sida Foornadda ama Tareenka Marka dhuxusha lagu shubo uu u dhaqaaqo, waxaa jiro Dad haddii Doolar Duudka looga shubo Shacabka la hadlo. Shacabkuna uma jeedaan Cidda ka hadashiinee.

Ar imaaraadaa UAE, Duudka uga shuba Dollar ha noo sheegaan waxaad Rabtiine. Angaanba ka yeeli doonine. ( F.S: 5aad)

( Ar maxaa Dabaal Doollar qaatay naloo soo diray. Kadibna aan noqonay kuwo ka daba dikriyo, kuwo ka daneeysto iyo kuwo ka diido)

5. Madaxda Maamul Gobaleedyadu, Turkey iyo Kenya Guryo waaba ka dhisteene, Gaariga Runtaa ee Jiidayo ma taqaan?. mise Bulletproof-ka ay saaranyihiin oo kaliya ayaa kuu muuqdo ( F.S:6aad)

( Allow ummadaada kuwa Culeeyska ku hayo ka qaad)

6. Ku soo dhawoow, Doorasho Qof iyo Cod ah, Xataa Mobilkaaga waad ka codeey kartaa. Laakin Hal Matoor oo kaliya ayaa Dabka laga wada qaadanaa, Codkaaga Cidaad siinee Adigaa yaqaan, Qofka soo baxayana Anigaa aqaan. Qofkaan Mobile-ka Shirkadaan wadanna loo jooji maayo. ( F.S:7aad)

( Haye !!!??? )

Qore:Yahya Amir