
Nasashada Jimcaha. Q-445=Somaliya haddii Mucaaradka iyo Muxaafadka la isku shiido Xal mala gaaraa?=
1. Sirtaada qaar ku qarso Naftaada, haddii aad ku aaminto, Saaxiibkaaga Gaarka ah ee kalsoonidu idinka dhexeeyso” your best friend”, ogow Saaxiibkaa waxa uu leeyahay saaxiib kale oo gaar ah oo uu ku kalsoon yahay” his best friend “, kaasina ma ahan Adiga Saaxiibakaa” your best friend “.( F.S:1aad)
( Sirtaada Qaar ilaasho)
2. Markii aan Xamar imid waxaan u maleeynayay in isbitaalada la xiro Galabtii Bacdal casir, Bukaankuna ay guryahooda aadaan sida Tuuladeeydii. Laakin waxaan arkay in isbitaalada Habeenkii ay seexdaan Bukaanadu, kuna Geeriyoodaan. Makii Hooyadeey Tuuladii laga keenay oo Digfeer ay ku umul raacatay, Allaah ha u naxariisto.
( Isbitaal iyo Xabsi Xamar ku yaal Allaah kuuma baahiyo. Waxaad nacee Adigoo saqiira oo Reer miyi ah haddii Hooyadaa ku geeroyooto)
3.Nin ayaa u tagay Gabar Dantiist ah si goows looga siibo, Ninkii markii uu arkay Cirbadii Kabaabyada ayuu ku qeeyliyay maya Cirbadda. Waxaa ay hadana u keentay Doowo lagu Buufinaa Ciridka, hadana waa qeyliyay, Ma jecli in Kiimiko Ciridka la iiga buufiyo. Waxa ay ku tiri: Kaniini kabaabyo ma ku siiyaa, waxa uu yiri: Haa. Waxa ay keentay kaniiniga ” Viagra” . Waxa uu ku yiri: uma maleeyneeyn in uu kabaabyo leeyahay.
Markii Goowska laga siibayay ayuu xanuun dareemay. Waxa uu yiri: Awday Kababyadii? Waxa ay ku tiri: inta aad Ka kabaabyoonee, Viagra waxa uu ku siinaa Tiir Adag oo aad Gacnata ku qabsato ee Cusko. Intii uu ka fikirayay faa’iidada Viagra ayeey Gowskanaa ka siibtay. ( F.S:2aad)
( Xildhibaanadda aan Ogeeyn mucaaradnimada Xanuunkeeda waxa lagu daaweeyo, Maxaa lagu kabaabyeey karaa?)
4. Laba wadaad oo Midna Suni yahay midna shiico ayaa Dalka ingriiska ku dagaalay, Mid waxa uu ku doodayay Sayid Xassan ayaa wanaagsan, midka kalena Macaawiya bin Abii safiyaan, Dhaawac ayeey isku geeysteen. Saldhiga ayaa la geeyay. Waxa ay sheegeen in ay isku heeystaaan Sayid Xassan iyo Mucaawiye kee Saxan. Waxaa lagu yiri: u yeera Labadaa Nin. Waxa ay yiraahdeen 1400 Sano ka hor ayeey Geeriyoodeen.
Labadoodiiba waxaa loo diray Isbitaalka Dimirka. ( F.S:3aad)
( Siyaasiyiinta isku Heeysto, waxaa fiican Doorashii Somaliya lagu qabtay 50 Sano ka hor iyo kuwa leh waxaa fiican tii Teendhada ee Saddax sano ka hore, midna isku raaci waayay, mid cusubna keeni waayay. Isbitaalkee loo diraa?)
5. Nin ayaa Xaaskiisa oo Safreeysay waxa ay kala dardaarantay Mukulaal ay Jecleyd oo Guriga u joogtay. Maalin kadib ayeey soo wacday, waxa ayna ku tiri: Bisaddii ka waran? Waxa uu ku yiri: Bisaddii waa geeriyootay oo Saqafka Guriga ayeey kortay waana ka soo dhacday.
Waxa ay ku tiri: Waad iga nixisay, Akhbaarta xun hal mar Qofka looma sheego. Waxa ay aheyd in aad i tiraa. Saqafka ayeey kortay, kadibna waa soo dhacday, Dhaawac Culus ayaa gaaray, waan daaweeynay kadib ayeeyna dhimatay ee khabarka xun ha igu bilaabin.
Waxa uu yiri: Hadda Aabaaha ayaa Saqafka Guriga koray. (F.S:4aad)
( Odayaasha dhaqanku, maxeey noogu bilaabaan khabarka xun)
6. Nin Caqli badan iyo Xaaskiisa oo naxariis badan ayaa u yimid Nin Dhakhtar oo Sakhraan ah, kuna yiri: waxaan rabnaa in Mid kasta oo naga mid ah uu noqdo Caaqil naxariis badan. Kaniini suuxtin ayuu siiyay, kadibna waxa uu ka soo saaray Maskaxdii iyo wadnihii, waana isku shiiday, kadibna dib ayuuna ugu celiyay. Waxa uu sakhradii ka soo miirsaday Labadoodii oo Mayd ah. ( F.S:5aad)
( Somaliya haddii Mucaaradka iyo Muxaafadka la isku shiido Xal mala gaaraa?)
Qore:Yahya Amir