Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliyeed  oo wada gaaray heshiis  la xiriira siyaasadda, ciidamada, dhaqanka iyo dhaqaalaha.
1 min read

Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliyeed oo wada gaaray heshiis la xiriira siyaasadda, ciidamada, dhaqanka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Sisi ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulankaasi uu goob joog ka ahaa saxiixa baaq siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, si kor loogu qaado heerka xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka iskaashiga istiraatijiyadeed, sida siyaasadda, ciidamada, dhaqanka iyo dhaqaalaha.

Dhinaca ciidamada, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sii wado shaqada wadajirka ah, si loo dhaqan geliyo hab-maamuuska iskaashiga milateri ee ay labada dal ku kala saxiixdeen Qaahira bishii August ee la soo dhaafay, iyadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo awoodda Qaranka Soomaaliya iyo hay’adaha Qaranka ee sugidda amniga iyo xasiloonida iyo la dagaalanka argagixisada.