
Wadamada Afrikada kale wey iman karaan bilaa Fisa laakiin Soomaaliya Maya
Madaxda dowladda Somalia ee maanta hogaanka dalka haysa, waxaa horyaala halxiraale weyn oo u baahan si dagdag ah ay u furaan. Warkan ay Kenya soo saartay shalay ma ahan waxa cusub, waxaase uu ahaa mid horay u jiray. Somalia iyo Kenya ayaa horay u kula saxiixday heshiiso badan oo ay ku jirtay arrinta safarrada dadka Somaliyeed iyo qaadka laga keeno Keyna.
Heshiiska, ay labada dal horay u gaareen, waxa uu dhigaayay, in dadka Somaliyeed ay ku tagi karaan Keyna Visa on arrival ah, taas baddalkeeda loo faxaso ganacsatada keynaanka ah, in qaadka u daabulaan Somalia.
Somalia, dhankeedii heshiiski wey fulisay, oo qaadkii Keyna waa la geeyaa Somalia, laakin Keyna dhankeeda ma aysan fulin, waayo dowladda Keyna waxa ay fahamtay, in danta ay iyada ka leedahay qaadka, ay ka weyn tahay midda ay ka leeyihiin madaxda Somalida oo mashruucaas hadya jeer ku naasnuujiya kolba cid ay qaraabo, saaxbiyo ama dano kale ka yeeliyiin.
Dowladdii Farmaajo, qaadkii Itoobiya ayey dad gaar ah u xirtay, halka dowladda maanta ay sidoo kale u xirtay qaadka Keyna qolo gaar ah. Marka aan go’aanada masiiriga ah ee dalka aan lagu dhisin dan guud ee lagu eego danta gaarka ah, in ay sidan oo kale ay dhacdo, ma ahan wax ugub ah.
Madaxda dalka ee maanta talada joogta, haddii ay dowladnimada daacad ka yihiin, waa in ay jaawab culus ka bixiyaan fulin la’aantii heshiisyadii hore ee labada dal dhexmaray iyo ku celinta ay Keyna ku celisay in ay horay u diiday fulinta heshiisyadii hore iyo ku xadgudubkii hawada Somalia. Jawaabaha ay tahay in ay qaaddo dowladda waa in ay ku jirtaa aragtideyda:
1. In ciidamada Keyna laga reebo howlgalka cusub ee AUSSOM.
2. In lagu amro dadka Kenya ah in ay Visaha kasoo qaataan Safaaradda Somalia ee Nairobi, taas oo xitaa dhaqaale ay uga soo xaroneyso dowladda.
3. In shaqaalaha Keynaanka ah ee ku sugan dalka ee heysta Short-term visa/Port of entry visa, aysan ka shaqeyn karin dalka, ilaa iyo inta ay ka helayaan daganaansho, halkaas dowladda dhaqaale kale oo sharaf leh ayey ka sameynkarto.
4. In la joojiyo qaadka ay Keyna keento dalkeena
Intaas haddii ay qaado dowladda Somalia, Kenya iyada is dhiibeysa waaan hubaa wasiir Ahmed Moallim Fiqi uu howshan ku filanyahay haddii aysan masaxda dalka kula dhagin go’aanka iyo jawaabta laga bixinaayo.
Hassan A. Mutawakil