Faysal Cali Waraabe oo sheegay in shaqsiyaad ka mid ah  madaxtooyada Soomaaliya xiriir la leeyihiin Argagixisada.
1 min read

Faysal Cali Waraabe oo sheegay in shaqsiyaad ka mid ah madaxtooyada Soomaaliya xiriir la leeyihiin Argagixisada.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo amni xubno ka tirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiisyada keydka iyo Amniga Qaranka qeybta (Datta Analysts), ayaa lagu helay in ay ahaayeen xubno ka tirsanaa kooxaha Argagixiso, taas oo keentay in dib u baarid xoogan shaqaalaha lagu sameeyo.

Sidoo kale mid kamid ah Ilaalada khaaska ah ee MW Xassan Sh oo la xulay intii xilka hayay, qaraabana la ah Madaxweynaha, loona diray tababar dalka Serbia ayaa lagu helay in uu ka tirsanaa kooxaha Argagixisada.

Mid kamid ah xubnaha joogay qeybta Amniga Qaranka ee xogtiisa lahelay, ayaa dhawr qabaa’il kale sheegtay, oo midba gaar yahay, dhammaan xubnahan ayaa shaqada galay intii ka dambeysay May 2022-kii.